Ireland Oo Dawlada Fadaraalka Uga Digtay In Ciidamo loo Adeegsado Dibed-baxayaasha.

Dowlada Ireland ayaa si kulul u cambaareysay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho

Danjiraha Ireland u fadhida QM Byrne Nason oo ka hadleysay kulankii Golaha amaanku xalay ka yeeshay xaalada Somalia ayaa si kulul uga hadashay shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Awoodda ciidan ee Dowladda u adeegsatay dadkii bannaanbaxyada sameynayey.

“Jidadka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa laga maqlayay dhawaaqa hub culus, laguma rideyn Al-Shabaab, balse waxaa adeegsanayey dano siyaasadeed, waxaan aragnay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daadgureysay dadka bannaanbaxyada sameynayey”ayay tiri.

Byrne Nason ayaa xustay in qalaalisihii todobaadka hore ka dhacay Muqdisho uu yahay mid aan la aqbali karin oo handadaad ku ah dedaaladii nabada iyo horumarka ka jiray Somalia.

“Waxaan ku dhiiri galinayaa hoggaamiyaasha Soomaaliya in wax walba ka hormariyaan danaha dadkooda, isla markaana dib loogu noqdo wada hadal wax ku ool ah” ayey tiri Byrne Nason.