Madaxweyne Biden oo laalay xayiraadii saarneyd soogalootiga Mareykanka

Madaxweynaha Joe Biden ayaa laalay wareegto uu hore u soo saaray madaxweynihii isaga ka horeeyay, taas oo hor istaagtay in badan oo ka mid ah dadkii soogalootiga ah ee dalban lahaa deganaashaha Mareykanka.

Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa mamnuucay soogalootiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo shaqaalaha Mareykanka, iyadoo shaqo la’an badani ay jirto cudurka faafa ee coronavirus aawadiis.

Waxa uu Biden diiday sababayntaas kaddib markii uu soo saaray bayaan rasmi ah oo uu ku laalay xayiraaddii fiisahaas Arbacadii.

Madaxweyne Biden oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in xayiraadani ay hor istaagtay in qoysas badan dib ugu midoobaan Mareykanka, ayna waxyeelo u geysatay ganacsiyada Mareykanka.

Biden, ayaa ballanqaaday inuu wax badan ka badali doono siyaasadihii qalafsan ee socdaalka ee Trump.

Dadka u dooda soogalootiga ayaa ku cadaadiyay todobaadyadii la soo dhaafay inuu ka qaado xayiraada fiisahan oo lagu waday inuu dhaco 31-ka Maarso.

Biden weli ma qaadin xayiraad kale oo saaran inta badan shaqaalaha ajaanibta ah ee ku meel gaarka ah.

Bishii Oktoobar, garsoore federal ah oo jooga California ayaa diiday xayiraadda Trump ee shaqaalaha ajinabiga ah ee ku meel gaarka ah maadaama ay saameyn ku yeelatay boqollaal kun oo ganacsiyada Mareykanka ah kuwaas oo maxkamadda uga dagaallamay siyaasadda lagu xayiray shaqaalahaas.