Mareykanka Oo Liiska Madaw ku Daray Saraakiil ka Tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in ay Soomaaliya la garab taagan tahay hiil iyo hoo ku saabsan sidii ay nabadda u soo celin lahayd islamarkaana uga adkaan lahayd Al-Shabaab.

Ku simaha Waliika Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa isagoo ka hadlayay kulankii Golaha Amaanka ee xaaladda Soomaaliya waxa uu sheegay in Washington ay liiska cunaqabateynta ku dartay saddex xubnood oo ka tirsan al-shabaab, kuwaasoo xayiraado si gaar ah loo saarayo.

“Dowladda Mareykanku wali waxay diiradda saareysaa xakameynta awoodda al-Shabaab ay ku fulin karaan weerarrada ka dhanka ah rayidka, waxayna diyaar u tahay in ay wadashaqeyn la sameyso dowlad goboleedyada si loo hirgeliyo qaraarka cunaqabateynnada Soomaaliya ee tirsigiisu yahay 751,” ayuu yiri Mr Mills.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu magacaabay xubnaha cusub ee lagu daray liiska cunaqabateynta Mareykanka.

“Annagoo taas ka duuleyna, waxaan ku faaneynaa inaan maanta caddeyno in aan annaga iyo dowladda Soomaaliya si wadajir ah u magacawno saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu daray liiska cunaqabateynta, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin: Abuukar Cali Aadan, Macallin Ayman iyo Mahad Karate.

Tallaabadan cunaqabateynta ah waxay ka turjumeysaa in beesha caalamku ay la xisaabtameyso dadka wiiqaya nabadda Soomaaliya, amniga iyo xasiloonida,” ayuu yidhi Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa uu ka taageera dhinacyo badan oo amniga uu kamid yahay, waxaana mararka qaar uu duqeym o la beegsadaa Xarumo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.