Muqdisho: Booliska oo sheegay inay qabteen nin is qarxin rabay

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen nin qorshaynayey inuu isku qarxiyo ciidamada booliiska ee degmada Xamarweyne saaka.

Af-hayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Cali Aadan ayaa sheegay in xubno ka tirsan booliiska ay ka war heleen nin watay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa.

Booliiska ayaa sheegay inuu ninkaasi isku dayey inuu cararo kadibna uu tuuray jaakaddii uu xirnaa. Booliska ayaa sheegay inay ninkaasi gacanta ku dhigeen.

Qarax ka dhashay jaakadda qaraxa ee uu tuuray ayaa waxaa ku dhaawacmay xubin ka tirsan booliiska, sida uu xaqiijiyey Af-hayeenka booliiska.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.