Puntland Oo ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dowlad Goboleeka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay xaalada Covid19 ee degaannada Puntland oo ku laba kacleeyay.

“Wasiirka ayaa bulshada soomaliyeed iyo kuwa reer Puntland xasuusiyay in xanuunka uu wali si xoogan uga jiro aduunka ayna socdaad dadaalo looga hortagayo oo ay ugu horayso talaalo la soo saaray iyo taxadar badan oo aad ogtihiin wadamada qaar inay mamnuuceen dadka dalalka xanuunku ku badanyahay ka imaanayaan.”