Sawirada Ciidamada Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hargeisa(GNN):-Muuqaalka sawirada ilaalada gaarka ah ee Ciidamada Madaxweynaha Somaliland Muusse biixi Cabdi Ayaa Lagu baahiyey Baraha bulshada, ciidanka oo si qaabkoodu sareeyo u labisan ayaa baraha bulshada ka dhaliyey saameyn weyn, kuwaas oo dadka qaar ay si weyn falanqeyn uga bixiyeen, waxaana arrintan lagu sifeeyey mid lagu muujinayo cududa ciidamada kala duwan ee amniga somaliland, waxaana aad usoo dhaweeyey dadka aadka u isticmaala baraha bulshada oo ku hanbalyeeyey madaxweynaha qaranka somaliland inuu aad ugu hagar baxay qalabaynta ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, kuwaas oo isugu jira ciidmada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, haddii ay yihiin ciidamad difaaca somaliland ee qaranka iyo ciidamad kala duwan booliska, asluubta, SPU-da iyo RRU-da, kuwaas oo dhammaantood lagu qalabeeyey qalab iyo noocyo dirays kala duwan oo aad usoo saaray bilicda ciidamada somaliland.