Shirkadda Facebook oo tir-tirtay boggii milatariga Myanmar

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in iyadoo raaceysa siyaasadeeda mamnuuceysa kicinta rabshadaha inay tir-tirtay boggii ugu weynaa ee Milatariga wadanka Myanmar, maalin kaddib dilkii laba ka mid ah dibadaxayaashii ka soo horjeeday afgambigii milatari ee Februay 1-keedii.

“Si waafaqsan siyaasadeenna caalamiga ah, waxaan shabakadenna ka saarnay bogga “Tatmadaw True News” kaddib xadgudubyo isdaba joog ah oo ay ku sameeyeen heerarkeena bulsho ee mamnuucaya kicinta rabshadaha iyo abuubulka waxyeelada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu saaray wakiil ka tirsan shirkadda Facebook.

Milatariga Myanmar ayaa loo yaqaan Tatmadow, waxaana boggodii uu ka maqnaa hawada shabadakadda Facebook. Afhayeenka Milatariga ayaan ka jawaabin xiriir ay la sameysan wakaaladda wararka Reurters oo dooneysay inay arrinkan ka wareysato.

Laba qof ayaa lagu dilay magaalada labaad ee Myanmar ee Mandalay Sabtidii kaddib markii booliska iyo milatarigu ay rasaas ku fureen mudaaharaadayaasha oo ka soo horjeeday afgembigii dawladdii la soo doortay ee Aung San Suu Kyi. Shaqaalaha gurmadka ayaa sidaas yiri, waxayna aheyd maalinta ugu dhiig daadashada badan in ka badan laba toddobaad oo bannaanbaxyo ah.

Shirkadda Facebook sanadihii la soo dhaafay waxay la shaqeysay dhaq-dhaqaaqyada xuquuqda madaniga ah iyo xisbiyada siyaasadeed ee dimuqraadiga ah ee ka dhisan Myanmar, waxayna ka soo horjeedeen tallaabooyinka militariga kadib markii ay la kulmeen dhaleeceyn weyn oo caalami ah oo ku saabsan inay ku guuldareysteen xakameynta ololaha nacaybka ee internetka.

Sanadkii 2018, waxay shirkadda Facebook mamnuucday taliyaha ciidanka Min Aung Hlaing oo hadda ah hoggaanka millatariga iyo 19 kale oo saraakiil sarsare iyo ururro ah, waxayna hoos u dhigtay boqolaal boggag iyo cinwaanno oo ay maamulaan xubnaha milateriga oo loo isticmaalayay habdhaqan aan sax aheyn.

Kahor doorashooyinkii bishii Novermber ee sanadkii hore, shirkadda Facebook waxay sheegtay inay hawada ka saartay ilaa 70 cinwaan oo been abuur ahaa oo ay maamulayeen Milatariga dalkaas, kuwaas oo soo daabacayay dhaleeceynta Suu Kyi iyo xisbigeeda, isla markaana muuqaal qurxoon ka bixinayay Milatariga iyo hoggaankiisa.