Somaliland oo u Jawaabtay Dawladda Maraykanka

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabtay qoraalkii dawladda Mareykanku ku bogaadisay xukunkii maxkamadda Hargeysa ku riday rag ka ganacsada dhoofinta Haramcadka.

“Waan ku faraxsannahay inaad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee aanu qabannay, sidoo kale, waa inaan tilmaannaa in Hargeysa tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland oo aanay meelna kaga jirin Soomaaliya” ayaa lagu yidhi Qoraal Wasaaradda Deegaanka Somaliland ku baahisay barta ay ku leedahay baraha bulshada .

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa sannadaha wadday dadaalo la xidhiidha sidii loo ilaalin lahaa duurjoogta iyo dhirta oo muhiimad weyn u leh dalka , waxanay xidhxidhay dad badan oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaaya noocyada duurjoogta gaar ahaan Haramcadka .