WARARKA




Somaliland oo u Jawaabtay Dawladda Maraykanka

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabtay qoraalkii dawladda Mareykanku ku bogaadisay xukunkii maxkamadda Hargeysa ku riday rag ka ganacsada dhoofinta Haramcadka.

โ€œWaan ku faraxsannahay inaad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee aanu qabannay, sidoo kale, waa inaan tilmaannaa in Hargeysa tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland oo aanay meelna kaga jirin Soomaaliyaโ€ ayaa lagu yidhi Qoraal Wasaaradda Deegaanka Somaliland ku baahisay barta ay ku leedahay baraha bulshada .

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa sannadaha wadday dadaalo la xidhiidha sidii loo ilaalin lahaa duurjoogta iyo dhirta oo muhiimad weyn u leh dalka , waxanay xidhxidhay dad badan oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaaya noocyada duurjoogta gaar ahaan Haramcadka .