Soomaaliya oo ka jawaabtay qoraal kasoo baxay Imaaraadka Carabta

Dawladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay warqad ay dawladda Imaaraadka Carabta shalay kasoo saartay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho Jimcihii.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddaasi ay ahayd gef, islamarkaana waxay ugu baaqday Imaaraadka Carabta ina raal-igelin ka bixiso qaladkaas, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe.

Imaaraadka ayaa shalay soo saaray war saxaafadeed uu kaga hadlay gacan ka hadalkii Jimcihii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, qalaasaha socda yo isticmaalka awoodda xad-dhaafka ah, sida lagu sheegay qoraalkaasi.

Imaaraadka ayaa sidoo kale ku tilmaamay dawladda Soomaaliya mid “ku meel-gaar ah” sida ku qornayd warqaddaas.

Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayso dadaallada caalamiga ah ee lagu qabanayo doorasho ku dhacda si furan oo xor ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in ka hadalka doorashada ay tahay arrin ka mid ah arrimaha gudaha Soomaaliya, waxaana uu ka digay fara-gelin lagu sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya.