Sucuudiga oo xayiraad kusoo rogay muwaadiniinta dalal dhowr ah

Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu ka mamnuucay inay soo galaan muwadiiniinta ilaa 20 dal si looga hortaggo fiditaanka cudurka Koroona.

Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in xayiraadda kumeel gaarka ah ee lagu soo rogay dalalkaas ay si rasmi ah u bilaabaneyso maanta.

Waxaana ka mid ah Imaaraatka Carabta, Jarmalka, Mareykanka, Britain, Koonfur Afrika, Faransiiska, Masar, Lubnaan, Hindiya, Pakistan iyo dalal kale.

Go’aankan wuxuu sidoo kale saameyn doonaa dadka soo mara dalalkaas ee doonaya inay galaan Sucuudiga.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafayay sare u kacayay kiisaska cudurka Koroona ee dalka Sucuudiga iyadoo dowladda ay diiwaangelisay in ka badan 368,000 oo kiisas ah iyo dhimashada 6,400 qof.