Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Ethiopia, Masar iyo Sudan

Mas’uuliyiin u hadashay dawladda Masar ayaa sheegay inuu burburay wada-hadalkii u dhexeeyay dalalka Masar, Sudan iyo Ethiopia, ee ku aadanaa muranka biyo-xireenka ay dawladda Ethiopia ka dhistay webiga Nile.

Doodda ugu weyn ee biyo-xireenka ayaa ka taagan muddada ay Ethiopia ku buuxineyso, ayada oo dalalka Masar iyo Sudan ay ka cabsi qabaan in biyaha webiga ee soo gaaro ay yaraan doonaan haddii deg deg loo buuxiyo biyo-xireenka