Wasiirka Warfaafinta oo Cisbitaalka Royal ku booqday agaasimaha Tv-ga Qaranka.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta cusbitaalka Royal ee caasimada Hargeysa ku booqday Agaasimaha Telefishanka Qaranka  Maxamed Xasan Cali Weji, oo maalmihii la soo dhaafay  lagu daweynayey cisbitaalkaas.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu  Agaasimaha Telefishanka Qaranka  ilaahay uga baryey inuu shaafiyo , waxaanu balanqaaday in Wasaaraddu ay dabarayso kharashka ku baxaya daweyntiisa.

Agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali Weji ayaa Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiintii la socotay uga mahadceliyey booqashadiisa,waxaanu tilmaamay inuu labadii maalmood ee la soo dhaafay xaaladiisa caafimaad soo kabanaysay.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta waxa booqashadaas ku wehelinayey  la taliyaha wasiirka Faysa Maxamed Muxumed, agaasimaha waaxda wakaaladda wararka ee Solna, Cumar Maxamed Faarax iyo agaasime ku-xigeenkiisa Yuusuf Maxamed Ismaaciil.