Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la Filayaa inay u Magacowdo Dawladaha Hoose Ee dalka Xoghayayaal Cusub

Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la Filayaa inay u Magacowdo Dawladaha Hoose Ee dalka Xoghayayaal Cusub si ay u xakameeyaan kharashaadka ay galayaan Maayirada Wakhtigoodii Dhamaaday Ee ku Jira Xiliga kala guurka ah Ee Doorashooyinka loo diyaar garoobayo si markaasi looga hortago Musuq-maasuq iyo Dayn xad dhaaf ah oo ay Wareejiyaan Golaha Degaanada Dalka Ee Xilka ka dagaya 01 Jully 202.
Qorshaha Xukuumada Ee Lagu Magacaabayo Xoghayahayaasha Cusub Ee Dawladaha Hoose Ee Dalka Ayaa ku soo beegmaya Xili Madaxweynaha Somaliland uu dhaqangaliyey Maalinta ay Dalka ka qabsoomayso Doorashooyinka Degaanka Iyo Wakiilada Somaliland, sidoo kalena Madaxweynuhu wuxu xoojiyey Awoodii Badhasaabada Gobolada iyo Hantidhowrka qaranka Somaliland