Ciidamada Booliska Jsl Oo Caawa Fiidkii Xabsiga U Taxaabay Musharax Shucayb Maxamed Muuse.

Hargeisa(GNN):- Sida ay Warka ku heshay Shabakada Gabiley News Network Waxaa Caawaa fiidkii 7:30 kii Habeenimo Ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga u taaxaabeen Musharax Shacayb Maxamed Muuse Oo hore Xilal Wasiirnimo uga soo qabtay Xukuumadihii Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Xadhiga Musharaxa ayaaa kusoo beegmaya Maalmo uun ka hor markii uu warbaahinta u sheegay in Xukuumadu Cadaadis Xoogan ku Saartay sidii aanu uga mid noqon lahayn Musharaxiinta leh hanka musharaxnimo ee golaha wakiilada Jsl, maadaama uu jiro siyaasi ay isku deegaan kasoo jeedaan oo wakhtigan isna ka sharaxan xisbiga Kulmiye.

Ma Cadda wali cida ka danbaysay Xadhiga siyaasi musharax shacayb Maxamed Muuse, oo todobaadadii ugu danbeeyey Lagu baahinayey baraha bulshada waraaqo iyo dhukumantiyo cadaynaya in lagu daba jiro islamarkaana ay gaadhay in bulshada lala wadaago waraaqo kasoo kala baxay maxkamada hargeisa, xafiiska CID ee Danbi baadhista Somaliland oo amar kusiinayey in uu soo cadeeyo dugsigii uu musharax shacayb dhigan inuu kamid ahaa ardayda ka baxday iyo in kale, halka Jawaabta Dugsiga furqaan maamulkiisuna soo cadeeyeen In Musharax Shacayb maxamed Muuse uu Kamid ahaa ardaydii ka baxday Dugsiga sare furqaan sannadkii 2007dii.

Inkasta oo aanu isku daynay Inaanu Wax ka ogaano Cida bixisay amarka lagu xidhay musharax Shacayb Maxamed Muuse nooma suurto galin inaanu wax faahfaahin ah helno.

Waxaana Dad ka agdhow musharax Shacayb Maxamed Muuse Noo xaqiijiyeen In wakhtigan uu ku xidhan yahay Saldhiga Dhexe Magaalada Hargeisa.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaridka ee Ucid oo uu ka sharaxan yahay Musharax Shacayb ayaa Noo sheegay in aaney ilaa hadda garanaynin Sababta loo xidhay iyo cida ka danbaysa xadhigiisa, intaa wixii dheerna ay maalinta bariya ay faahfaahin rasmi ah kasoo saari doonaan xadhiga musharaxan buuxiyey shuruudihii xisbigu uga baahnaa.

 

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Arrintan.