Dawladda oo Kormeertay Imtixaanka Dufcadii Saddexaad ee Shaqo Qaran.

Hargeisa(GNN):-Agaasimaha guud ee Barnaamijka Shaqo qaran iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa saaka kormeeray goobaha lagu gelayo Imtixaanka dufcadii 3aad ee shaqo qaran ee Gobolka Maroodi Jeex, Imtixaankaasi oo saaka guud ahaanba dalka ka bilaabmay.

Agaasimaha guud ee Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cisnmaan (Mu’adinka) ayaa markii uu soo dhammaaday kormeerkaasi waxa uu la hadlay Warbaahinta waxaana uu sheegay in tirade guud ee saaka Imtixaanka Shaqo qaran u fadhiisatay ay tahay 3393-qof oo isugu jira Wiilal iyo Hablo waxaana uu yidhi

“Waxaynu joognaa Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Bashiir oo kamida 14-ka Goobood ee Imtixaanku ka socdo , guud ahaan dhalinyarada saaka uu Imtixaankan u bilaabmay waxaa weeye 3393 Wiilal iyo Gabdhaba ah oo Somaliland oo dhan ka kooban oo ah intii buuxisay shuruudihii loo dhigay ka qeyb galka shaqo qaran”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Imtixaanka waxaa loo qaadayaa tartanka Dufcadii 3aad ee Shaqo Qaran oo Haddii Alle yidhaahdo inta ku guulaysataa ay ka mid noqon doonaan Dufcada 3aad ee Shaqo qaran , Waxaan u mahad naqayaa hawl wadeenada Wasaaradda Waxbarashada guud ahaan, Wasiirka laga soo bilaabo, Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka,

Guddoonada waxbarashada goboladda, hawsha qiimaha leh ee ay hayaan iyo Imtixaankan maanta la qaadayaba, Imtixaankaasi wuxuu inoogu bilaabmay si nabad gelyo ah iyadoo la waafajiyey nidaamkii, waxaan u rajaynayaa dhalinyarada maanta Imtixaanka u fadhiisatay nasiib wacan intii Ilaahay u qoray baana heli doonta”.