Drs. Edna Aadan oo walaac ka muujisay Heerka uu marayo Xannuunka Covid-199.

Hargeisa(GNN):-Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa walaac ka muujisay heerka uu marayo Xanuunka Covid_19.

Edna oo u warrantay Telefiishanka SAAB, ayaa sheegtay in xanuunku uu Somaliland si maalinle ah ugu dilo Dad tiradoodu u dhaxayso 10 illaa 30 Ruux, sidaasi darteed Dadweynaha looga baahan yahay inay si mudakarnimo ah uga qayb-qaataan la dagaalankiisa.

Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo arrintaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Waad wada garanaysaan in Faafidda xanuunka Covid_19 ay tahay mid aad iyo aad u fudud, sidaas darteed ka hor taggiisa ayaynu rabnaa inaynu meel uga soo wada jeedsano.”

Marwo Edna waxay sheegtay in loo baahan yahay in Tallaalka la wada gaadhsiiyo Dadweynaha “Tallaalku goorta uu Dadka wada gaadhi Ilaahaybaa og, imika wuxuu marayaa Wasaaradda Caafimadka iyo in yar oo hareero joogta, laakiin ka hor-taggii debcin mayno, waxaanuse rejaynayaa in sida Dawladaha kale ee Adduunku Tallaalka u fidiyeen inuu innagana suurto-geli doono, khudbaddii Madaxweynaha ayay ku jirtay in Dawladdu ay isku mashquulinayso Daawada Covid_19 wax ay deeq ku hesho iyo wax aynu iibsanaba, laakiin maxaynu ku sugaynaa, Waayo? haddii Tallaalku inna soo gaadho innaga oo dhamaanay maxay taraysaa, markaa waa in si adag looga hor-tago.”

Edna waxay walaac ka muujisay Xaaladda Covid_19 ee Somaliland .“Xanuunku Dad badan buu galaaftay, Xabaalihii way buuxaan, Maalin walba waxa innaga dhimanaya 10, 20 iyo 30, markaa waa in si mudakar ah oo ay Masuuliyad ku dheehan tahay inaynu uga soo wada horjeedsano Xanuunkaa..”