Halkan Ka Akhri Sheekadii “Ila Qosol …..” iyo Qalinkii:Cabdullaahi Maxamed Cumar

 Nabad akhristayaal, Bariido kaddib, beri waxa jirey qolyo xer ah oo Ilaahay dartii iyo diinta Islaamka ku walaaloobey. Marka ay xubnaha xerta ka tirsani wada hadlayaanna waxay caado u lahaayeen, in ay is yidhaahdaan; ikhwaan oo ah erey af Carabi ah oo macnihiisu yahay; walaal.

Nin xertii ka mid ah, ayaa xertii ka tegey oo reerkoodii dib ugu noqday oo weliba guursaday. Markii warkii guurkiisu soo gaadhey xaruntii xerta, ayaa laga daba diray laba nin oo saaxiibadii ah oo lagu yidhi,” Una soo duceeya, hambalyada xertana gaadhsiiya.”

Labadii nin ayaa soo ambabaxay oo u yimid, saaxiibkood oo intuu maalmahaasi todobabaxay aanay ka qasnayn! Haddaba, markii ay labadii nin saaxiibkood arkeen; ayay si wacan oo hambalyo ku dheehan tahay u bariidiyeen oo ay isku duubeen -iyaga oo ku dhawaaqaya ereygii caanka ahaa ee ikhwaan! Dabadeedna saaxiibkood wuxu kaftan ahaan ugu yidhi,”Waar naga taga ikhwaanna noo maydaan ahayne, imikaannu ikhwaan helleye!!” Isaga oo ikhwaankan u-la-jeeda gabadha uu guursadey. Eesh calaa kaftan! Waar meesha maxaa ka dhacay!

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar Email: timacadde56@hotmail.com