Komishanka Doorashooyinka Oo Maalmo Dheeraad ah Ku Daray Qaadashada Kaadhka Codaynta Gobolada Barriga Somaliland.

Ceerigaabo (GNN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyay hawsha qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha oo Saddexdii maalmood ee u danbeeyay ka socotay Gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag.

Hawl-wadeennada iyo Gaadiidka ka shaqaynayey hawsha kaadh-qaybtinta degmooyinka gobolladaas, ayaa la sheegay inay ku soo guryo-noqdeen saddexda magaalo-madax ee gobollada Saaxil, Sanaag iyo Sool.

Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka ee Ku Sugan Magaalooyinka Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo ayaa sheegay in hawshaasi sidii loogu talo galay ku soo dhammaatay isla markaana ay soo nabad noqdeen shaqaalihii iyo gaadiidkii qaybinta kaadhadhka Codbixiyaha ka hawl galay.

Madaxda Komiishanka Doorshooyinku waxay Sheegeen in hawl wadeeno ka tirsan Komiishanka Doorashooyinka qaranku ay Muddo 7 Cisho oo dheeraad ah hawsha kaadh qaybintan ka sii wadayaan Degmooyinka waaweyn ee Saddexda gobol.

Hawsha Kaadh-qaybinta ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda si rasmi ah uga bilaabanto gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal.

Source: Somalilandpost