Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran oo Maanta Kala Saxeexday Hashiis.

Hargeysa (GNN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa caawa si wada-jir ah u kala saxeexday Xeerka Anshaxa Doorashooyinka oo si rasmi ah u dhaqan-gelay.

Xeerka Anshaxa Doorashooyinka ayaa dhaqan-galkiisu ku waajibinayaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay sharciga ilaaliyaan, Hab-dhaqanka uu jideeyey ee looga baahan yahayna raacaan inta lagu jiro Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanada iyo Wakiilada Somaliland oo ku muddeysan 31-ka bisha May 2021.

Guddoomiyaha Guddiga iyo Xubnaha kale ee Guddiga Doorashooyinka iyo masuuliyiinta ka socday Saddexda Xisbi Qaran oo ay weheliyaan xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah, ayaa goob-joog ka ahaa kulan caawa ku qabsoomay magaalada Hargeysa kaas oo lagu kala saxeexday Xeerkan Anshaxa Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Abdirashid M. Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusey muhiimada Xeerka Anshuxu u leeyahay Doorashada Isku-sidkan isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Saraakiisha iyo Garyaqaanada KDQ oo uu sheegay inay hawl weyn ka qabteen dhammaystirka Xeerka.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu u mahad-celiyey Mas’uuliyiinka Axsaabta Qaranka, Gaboodka SONSAF iyo waliba dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay wada-shaqaynta leeyihiin Komishanka Doorashooyinka.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Masuuliyiin ka socday Saddex Xisbi Qaran kuwaas oo dhammaantood niyad-samaan ka muujiyey xeerka iyo ku-dhaqanka waajibaadka uu jidaynayo, waxaanay xuseen sida ay uga go’an tahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd dalka wakhtiga loo muddeeyey.

Madasha lagu daah-furay dhaqanka Xeerka Anshaxa Doorashada waxa soo qaban-qaabisay Dalladda ay ku midaysan ururrada aan dowliga ahayn ee SONSAF.