“Maanta Aqoonsigeenii Qarka Ayuu Saaran yahay, Dowlado Ayaa Badheedh Ukeenay Warqadahoodii Aqoonsiga”Dr. Adna Aadan.

Hargeisa(GNN):-Ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in Somaliland ay ahayd mustacmarad wixii ka horreeyay 1991.

Dr. Adna Aadan oo ka qayb gashay dood lagu qabtay muuqbaahiyaha dowlada ayaa sheegtay in Somaliland ay gumaysi ku jirtay xiligii dowladii millatariga.

Adna ayaa sheegtay in xiligii ay talinaysay dawladii Kacaanku anay si ula wada dhaqmi jirin goboladii waqooyi (Somaliland) iyo Soomaaliyadii kale.

“Xataa markii aan la kala gu’in ee 1991 kahor, Somaliland waxay ahayd wax ka go’an Soomaaliya, oo loola dhaqmo sidii dal lahaysto” ayay tidhi Dr. Adna Adan.

Ergayga ayaa dhinaca kale sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu soo dhawaday.

“Maanta aqoonsigeenii qarka ayuu saaranyahay, dowlado ayaa badheedh warqadahoodi aqoonsiga u keena, aqoonsiguna waa taas oo isbiirsata” ayay tidhi Dr. Adna Aadan.

Ergayga ayaa sheegtay in maadama oo Somaliland 30 sanno jirsatay, laga rabo, maamul wanaag.

“Madaama oo aynu qaangaadh nahay, garwanaag baa laynaga rabaa, maamul wanaag baa laynaga rabaa, maanta shaqadu inoo bilaabmaysaa” ayay tidhi Dr. Adna Aadan.

 

Exit mobile version