Muqdisho(GNN):-Noocyo gantaalo kala duwan ayaa ku dhacay maanta xerada xalane.
Weerar madaafiic ah ayaa maanta duhurnimadii lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada.
Goobjoogayaal ku sugan Xalane ayaa sidoo kaleWarbaahinta u sheegay in hoobiyayaashu ay gaysteen khasaare hantiyeed. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna la filayo inuu saacadaha soo socdo soo gaari doono magaalada, si uu uga qeyb galo shirkaas.