Masuuliyiin Ismuujin Darteed ku Goolaaftan Diriray Baraha Bulshada Sabban Adag.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka , Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi ayaa ku ballamay dood labada dhinac ah oo u muuqata weerar iyo Difaaca.

Xogyaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in uu dood ku ballansanaday Wasiir Cabdilaahi taasi oo uu dhalliilo ugu jiidinaayo Xukuumadda , “Cabdillaahi Abokor haddii uu diyaar u yahay in uu dood ku difaaco hoggaaminta fashilantay, ee Xukuumadda uu ka midka yahay, ha u soo diyaar garoobo dood uu ila galo oo fagaare ah oo shacbiga Somaliland makhraati ka yihiin. Haddii aanu dooddaas awoodi karayninna ha iska aamuso oo ha dhex fadhiyo uun Wasaaradda uu xarunta ganacsiga u beddelay ee aanu aqoonta iyo kartida midna ku joogin”. Ayuu yidhi

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa ka jawaabay Hadalka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Kaasi oo uu ku dalbaday inay wada yeeshaan Dood Furan.

“Waxaa Marag kuugu filan camalkaaga ee dib  isku qiime. Aqoontu maaha article la soo akhriyo lagana akhriyo Mass-media-yaha  ee Waa barasho iyo ku dhaqan rasmi ah. Dawladnimadda iyo Wasaaraddaha waa lagaaga Aqoon, Waayo-aragnimo iyo Kartiba badan yahay, Waligaana Kamaad shaqayn Xafiisyada Bixiya Adeega Dadweynaha”.

“Macal Cunne soo Bixi Doonaa” Waxaan diyaar u ahay Dood- Furan oo cadaynteed leh, Waxaad keeni doontaa cadaymo ku filan difaacaaga” ayuu yidhi

Hadaba Is ballansiga labada Masuul ee xilligan ayaa muuqda Ismuujin waxaanu daah ka saran yahay xaaladda adag ee dalka ka jirta sabbankan oo u baahan in loo midoobo sidii loo samata bixin lahaa shacabka la daala dhacaaya cudurka Covid-19 iyo Abaaraha oo ay dhiggoodu ku mashquulsan yihiin sidii ay biyo u gaadhsiin lahayeen bulshada la’ wax ay cabaan Maanta.