Mudane Guurtidda ka Tirsan oo ka Hadlay Halista Laydhka Xukuumaddana farriin u Diray

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Ilkacase, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland,ayaa ka hadlay halista laydhka iyo khatarta uu bulshada ku hayo.

Waxaanu farriin u diray Xukuumadda Somaliland oo uu u soo jeediyay in ay wax badan ka bedesho hannaanka  shirkadaha laydhku u shaqeeyaan iyo sida ay dadka adeegbixiyeyaasha  shirkadaha laydhku dadka ugu adeegaan iyo qiimaynta qasaaraha ka dhasha laydhka.

Xildhibaanka oo ugu horrayn ka hadlayay shirkadaha alydhku kaabadaha ay isticmaalaan iyo xadhkaha laydhka ee magaalada dul mara iyo halistooda,ayaa yidhi.“Marka biyaha laga yimaado qodobka labaad ee soo raaca waa laydhka, mar xalado badan iyo culays badan ayaa laydhka laftiisu innagu hayaa, dhammaan Kaabadaha laydhku maanta ku xidhan yahay waxaa ay u badan yihiin kuwii xilligii dawladii Soomaaliya la taagay, wax dayactira oo dambe oo ay heleena ma jirto, waliba intan shirkaduhu sameeyeen mooyaane intii hore.

Xadhkaha saararina waa ay daaleen maanta, waxa aynu u baahannahay in dib u qiimayn lagu sameeyo, kaabadahaas oo dhan iyo xadhkaha saaranba”

Xildhibaan Ilkacase waxa uu is dul taagay dhibaatada kala duwan ee ay laydhka bulshadu kala kulanto. “Dhibaatooyin fara badan ayuu dabku xaafadaha ku hayaa, oo shacabka iyo dadka danyarta ah ku hayaa, dabkay soo daynayaan iyo guluubka xadhiga laydhka ku jiraana ismalaha, dab ka badan ayay soo daynayaan, wax allaale wixii agab yaallay guryahaasi waa ay gubtaan, cid allaale cid u magdhawda iyo cid ay u dacwoodaana ma jirto, qofka marka laydhka loo gelinayo waraaq ayaa laga saxeexa waxaana ku qoran wax alaale wixii gurigaaga soo gaadha adaa isu qaba, waana lagu wada qasbana, balse waxa loo baahan yahay in dawladdu dib u eegto waraaqaha heshiiska ay dadka la gelayaan, oo dadka danyarta ah iyo dadka adeeg bixiyeyaasha ay dawladdu u dhaxayso, oo heshiisyada ay la gaalaan dib loo eego, oo wixii dibedda kaga yimaadana waa in lagu yeesho adeeg bixiyihii, wixii guriga gudihiisa ka yimaada ee aan shoodh dibedda kaga yimid ahayn qofkuba ha qabbo.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.“Hase ahaate imika guryihii ayaa gubanaya, qasaaladihii ayaa gubanaya, Tv-yadii ayaa gubanaya, wax alaale wixii alaab electronic ahayd habeenkii dadkii oo hurda ayaa shoodh dibedda kaga imanaya deetana waa ay wada gubanaysa, halis ayay marka dadkii ku jiraan, guriba gubtay ayaa la odhanaya qiimayntiisa lama garanayo sababto ah waxa la odhanaya dab ayaa gubay, ma gudaha ayuu ka yimid mise guriga dibediisa ayuu ka yimid.

Marka waxaa aynu u baahanahay, hay’adda tamarta waata la sameeye in la sameeyo dabagal rasmiya, taasina waa qodobka u baahan in la is dul taago oo dadka in loo dhaxeeyo, oo ay dawladdu xil iska saarto.”