Nuxurka Fariin ku Socota Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland.

Hargeysa (GNN):-Guddidad doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa wakhtiga kama dambaysa ah u qabtay Saddexda Xisbi qaran in ay u gudbiyaan liisaska Murrashaxiinta goleyaasha Deegaanka.

War gelin qoraal ah oo lagu socodsiiyey saddexda Xisbi Qaran, ayaa loogu sheegay in ay maalinta arbacadda ah ee 17 bishan ay gudbiyaan liisaska murrashaxiintooda goleyaasha Deegaanka.

Xeerka doorashooyinka, ayaa tilmaamaya in Xisbiyadu 75 maalmood ka hor doorashada in ay Komishanka u gudbiyaan Liisaska murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka, si ay hubin shuruudaha xeerka buuxiyeen.

Halkan ka Akhriso

No photo description available.