Puntland iyo Jubaland ayaa warsaxaafadeed wadajir ah Doorashada Somalia

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa warsaxaafadeed wadajir ah oo ay goordhawayd soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay walaac ka muujinayaan qabsoomid la’aanta shirkii mudada sadex asbuuc ay u fadhiyeen inuu ka dhaco magaalada Muqdisho kaasoo ay xagal daacinayaan madaxda wakhtigoodu dhamaaday ee Dowladda Federaalka sida ay sheegeen.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa ay nasiib darro ku tilmameen in mudadii sadexda asbuuc ee ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho aanay madaxda dowlada Federaalka is-arag toos ah oo gogol xaar u ah shirka la yeelan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka si loo xaliyo caqabadaha haysta qabsoomidda shirka lagu soo gab gabeynayo khilaafka arimaha Doorashada.

Wafdiga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo muddo sadex asbuuc gaareysa ku sugan Muqdisho ayagoo ka jawaabay dalabkii Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka si loo dhameystiro heshiiskii 17-ka September 2020 kaasoo gundhig u ahaa hanaanka hirgalinta Doorashada Dalka,Loogana wada hadlo meel marinta soojeedinta gudigii farsamo ee Baydhabo, sidoo kalena looga wada xaajoodo Sharciyada iyo Awoodaha Hay’adaha muddo xileedkoodu dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa ka digey in uu sii dheeraado wakhtiga qabsoomida shirka arimaha doorashada taasoo ay tilmaameen in uu keeni karo masiirka dalka inuu mugdi galo.

Gabiley.Net

Exit mobile version