Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 191 qof oo hor leh oo laga helay cudurka Karoona halka iyo 20 qof oo kale ay u dhinteen cudurka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baaray 1,669 qof.
Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.
Guud ahaan kiisaska cudurka waxay gaarayaan 8,041 halka dhimashadu ay tahay 294.