Taliska Ciidamada Booliska Somaliland Si adag Ugu Hanjabay Dadka Caadaystay Inay Ciidamada Baraha Bulshada Wax Kagaga Qoraan.

“Kuwa Yaryar ee Afmiishaariinta ah ee Caadaystay inay Ciidamada wax ka qoraan oo ay sida basasha fadhaan walaahi ma yeelaynayo cid walba oo sidaa yeesha, sharcigaananu la tiigsaneynaa, In Sirta ciidamada Lagaga sheekeeyo baraha bulshada Wax la qaadan karo maaha…”

Hargeisa(GNN):-Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa si kulul uga hadlay dadka caadaystay inay cabashadooda ku gudbiyaan baraha bulshada islamarkaana ay fadeexad usoo jiidaan ciidamada qaranka somaliland.

Waxaanu sheegay in cidkasta oo ay noqonto oo ciidamada wax ka qora aanu maalin walba u qorayno waxa uu ka qoray ciidamada, balse marka gacanta ciidamada uu soo gali la marin doono ciqaab culus iyadoo sharciga la marinayo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland.