Tallaalka cudurka Karona oo ka degay Muqdisho

  1. Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad siday tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Soomaaliya.

    Mas’uuliyiin ay horkaceyso wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka ah.

    Tallaalka wuxuu gaaraya ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

    Waxaana tallaalkan la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

    Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ka faa’ideysanayo barnaamijka Covax ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey ee tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.

    Berri ayaa la filayaa in la tallaalo dadka ugu horeeya oo ay kamid noqon doonaan shaqaallaha caafimaadka, dadka meelaha laga soo galo waddanka ka shaqeeya iyo booliska.

    .
  2. ad