Talo xumo shicib Waa tumaati cadow…. Waxa Qoray Saxafiga Abiib Iimaan Xassan.

Hargeisa(GNN):-Caaqil janan amra midkale oo u hiiliya wasiir hore oo wasiir hadda jooga u tiriya, shacbi iswada eegaya, dawlad shaqadeedii sugidii amaanka dalka lagu haysto, xisbiyo dhaliil ka dhiga meelo biri magaydo ah mararka qaarkoodna tuur uyeela xaajo ay toosin lahaayeen,

Dhamaan amuurahaasi waxay ka dhex muuqdaan dalkeena iyo dadkeena.
Waxa hubaal ah haddii aynu sidaa kusii socono in aanay kabteen yeelmi doonin, toban sano ka hor somaliland waxay ahayd shacbi toosan iyo xisbiyo sax ah waxa guri qudha kasoo wada toosayey oday islaan iyo caruurtooda oo habeen odhan ka dooda saddexda xisbi ee ay kala taageersan yihiin waxaynu ahayn dimuqraadi hufan, hase yeeshee mar qudha ayeynu kasoo shalwanay figta ugu saraysa.
Qabiilooyinkeenii inoo ahaa number laysku garto oo kaliya waxa jifooyinkooda kamid noqday axsaab ku milantay reeraha, waxa yaable hadii aanu nahay reer hebel waxa na matalaya hebel iyo hebel oo isku lamaan miyeynu iswaydiinay oo miyaanay axsaabtu xaq ulahayn inay iyagu soo xulaan dad xariir ah oo aan looga baqan xatooyo xoolo umadeed malaha taasi dooni mayno.
Marka aynu reero isku haysano ee warbaahinta laysku soo wada fadhiisto miyeynaan iswaydiinin bawdyo rag maalinba midbaa qaawan cida maanta talinaysa marka lagu daba faylo bari qofkastoo taliya waa lagu daba socon arimintiisa, mise ma rabno in ay wax inoo hagaagaan, dawladnimadii waxad moodaa in aynu jar kasii tuurayno, haddii lays xidhi waayo oo xabsi laysku xukumi waayo oo dil laysku qaadi waayo oo aynu qaynuunka iyo shuruucda baal maro dee aynu sida xoolaha u noolaano miyaanay u ekayn.
Waxa layidhaa runta waalaysku nacaa laakiin waa ayad qur aan ah kuwa ilaahay iyo nabiisa rumeeyoow ahaada runta maceeda oo ah runta ehel u noqda, marka indhaha reeraha wax lagu eego halka laga socon laaya ay waa beelaha dhexe ee somaliland oo inta kale ee darifyadu ku xamanayaan inuu taajkii madaxa u saaran yahay oo raqdii ayku fadhiyaan iyaguna ay qooraansi kusoo eegayaan hoosna ay uleeyihiin waalanaga badsaday iyo dulmi baa jira, xaqiiqatan waxkasta oo jira xanta ayaa lagu soo ban dhigaaye bal aynu kor iyo hoos eegno oo aynu cadowgeena eegno oo aynu mandaqada iyo hareereheena eegno oo yaynaan ku daalin dib usoco horowsoco…..
End…
Waa Qalinkii-Saxafi Abiib IImaan Xassan.