Ururka Qareenada Somaliland Oo Maanta Shirwaynaha Saddexdii Sanaba Mar La Qabto Ku Doortay Hogaan Cusub.

Hargeisa(GNN):-Waxaa maanta magaalada hargeisa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu dooranayey hogaanka cusub ee ururka qareenada somaliland, iyo sidoo kale wax kabedela xeer hoosaadka ururka solla ee qareenada somaliland oo si adag looga dooday.

Doorashada Hogaanka cusub ee Ururka Qareenada Somaliland oo soo martay marxalad iyo loolan u dhexeeyey xubno farabadan oo u sharaxnaa Hogaanka ayaa maanta cod aqlabiyad ah la isugu raacay inay ururka hogaamiyaan saddexda sano ee soo socoda Gudoomiyaha cusub ee la doortay Garyaqaan Xassan C/laahi Cawaale, Halka gudoomiye ku xigeenka ururkana loo doortay Garyaqaan Mukhtaar Daahir Jibriil.

Waxaana sidoo kale Xogaha Ururka Qareenada Somaliland loo doortay inuu Noqdo Xoghaye Garyaqaan xuseen maxamuud Fadal.

Sidaa si lamid ah Waxaa ururka qareenada somaliland doorteen Boodh ka kooban 12 garyaqaan oo hogaamin doona ururka

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.