Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Heshiis la Saxeexatay Sanduuqa Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan.

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Sanduuqa Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan (Taiwan ICDF) ayaa saaka ku kala saxeexday magaalada Hargaysa heshiis lagu horumarinayo barnaamijka E-Government oo ay wasaaraddu hirgalintiisa waddo.

Barnaamijka E-Government oo ka mid ah qorshayaasha fog ee wasaaradda ee 2019-2023 ayaa ujeedadiisu tahay sidii adeegyada dawladdu bixiso loogusoo dhawayn lahaa bulshadda.
https://youtu.be/dX-wyvKrKPw