Buuhoodle: Bulshada oo u jeesatay Falashada Beeraha iyo Xukuumadda Somaliland oo taageertay.

Buuhoodle(GNN):-Bulshada ku dhaqan deegaamada Gobolka Buuhoodle, ayaa u jeestay falashada Beeraha, iyadoo dedaal xooggan ay dadku gelinayaan sidii ay wax soo-saar uga samayn lahaayeen Beeraha.

In ka badan siddeetan Beerood oo isugu jira Beer waraab iyo beer Roobaad, ayaa laga diwaangeliyey degmooyinka Gobolkaasi.

Maal-gashadeyaasha Beeraha ku yaalla Deegaamada Gobolkaas, waxa kamida Qurbo-joog ka soo jeeda Deegaanka.

Agaasimaha Waaxda fidinta iyo Cilmi-baadhista ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Cali Cabdilaahi oo booqasho kormeer iyo Siidh-qaybin isugu jirta ku tegay Gobolkaasi ayaa sheegay in gobolkani ku soo biiray gobolada wax-soo-saarka leh ee dalka.

Waxa uu sheegay inay gaadhsiiyeen Siidh Waddani ah oo loogu talogalay inay kaga faa’idaystaan Beeraha.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Qorshahan Xukuumaddu markii ugu horaysay kormeerka iyo waxtarka ku gaadhsiisay Bulshada buuhoodle ee Beeralayda ah ayaa dhiirigelin weyn u noqonaya horumarinta Beeralayda Gobolkaasi.

Bulshada Gobolka Buuhoodle oo u badnayd xoolo dhaqato ayaa waxa saameyn ku yeeshay abaarihii dalka ka dhacay sanadihii la soo dhaafay, taasoo yaraysay dhaqashadii Xoollaha.