Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Maroodi-jeex oo Shaqada laga Joojiyey.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) ayaa shaqada ka Joojiyey guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Maroodi-jeex.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in masuulku u diiday kana hor yimid wada shaqaynta Wasaaradda.