Hab Casriya oo loo Diwaangelinaayo Ciidanka Asluubta Somaliland

Hargeisa(GNN):-Taliyaha guud ee ciidanka Asluubta jsl, Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) ayaa ka qayb galay Xafladda Daahfurka Diwaangalinta Ciidanka Asluubta Jsl, oo lagu Qabtay Taliska guud ee ciidanka asluubta jsl.

Barnaamijkan oo ah mid lagu diwaan galinayo Dhamaan Saraakiisha, saraakiil xigeenada, aliflayda iyo dablayda ciidanka Asluubta jsl, isla markaana Askari kasta laga diwaan galinayo xubnaha Bu’ada,Indhaha iyo Faraha ( Biometric System).

Madashan oo si Heerka sare ah loo soo agaasimay ayaa Waxa ugu horrayn halkaasi ka warbixiyay Yasiin Cismaan Diiriye isaga oo faahfaahin ka bixiyay Daahfurka Diwaan galinta Ciidanka Asluubta jsl , isaga oo xusay in ka wasaarad Arimo gudo ahaan ka go’antahay inay Diwaan galiyaan isla markaana askari kasta ay usameeyaan kaadh aqoonsi ciidan ah oo la jaan qaadaya Caalamka.

Mohamed Cabdi Rashiid oo ka socday Sahal Tech ayaa sheegay in ka shirkad ahaan ay sharaf utahay inay ka qayb qaataan diwaangalinta, isaga oo sheegay in ay si mutadawacnimo leh uga qayb qaadan doonan Barmaajikan.

Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha jsl Sareeyo Guuto Maxamed Faarah xuseen (xiirane) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Bogaadiyay Habkan casriga ah isaga oo xusay in uu yahay barnaamij waxtar uleh ciidanka asluubta jsl.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta jsl Sareeyo Guuto Axmed cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa soo dhaweeyay Barnaamijkan isaga oo tiliyuhu sheegay inay tahay markii u horraysay ee la Diwaangalinayo Ciidanka Asluubta jsl Darajo iyo Aqoon ahaanba.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in uu ku rajo weyn yahay in Barnaamijkan Waxtar unoqon doono ciidanka Asluubta Jsl.

Ugu dambayn Wasiirka wasaarada cadaalada jsl, mudane Saleebaan Warsame guuleed ayaa si rasmiya u daahfuray Barnaamijka Diiwaangalinta Ciidanka Asluubta Jsl, isaga oo wasiirku tilmaamay inuu yahay Barnaamij wax ku ool ah oo anfacaya Ciidanka.