Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Xisaab Xidhka Miisaaniyad Sannadeedka Lix Bilood Ka Hor Ku Gudbiyey.

Hargeisa(GNN):-Xafiiska hantidhawrka guud ee Qaranka somaliland ayaa dadaal weyn iska saaraysidii wakhtiga uu jideeyey xeerku uga hawlgalay sidii miisaaniyada qaranka loogula wadaagi lahaa islamarkaana loogu gudbin lahaa golaha wakiilada wakhtiga loogu talo galay, waxaana afartii sano ee u danbeeyey hantidhawrka guud ee qaranka somaliland dadaal weyn iska saaray arrintaasi, iyadoo hadda ay golaha wakiilada somaliland horgeeyeen maanta xisaab xidhka miisaaniyada lix bilood ka hor wakhtigii loogu talo galay, halka ay markii hore dhici jirtay in dib u dhac baahsani ku yimaado horgeynta golaha wakiilada miisaaniyada qaranka, balse taas uu hadda meeesha ka Saaray hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland.