Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya U Dirtay Dalka Taiwan Oo uu Ka Dhacay Shil Tareen.

Hargeisa(GNN):-Xukuumada Somaliland iyo Taiwan oo uu ka dhexeeyo xidhiidh adag oo dhawaan ay wada sameysteen ayaa Somaliland waxaa ay maanta dhambaal tacsiya u dirtay Shil ka dhacay dalkaasi taiwan oo dad badani ay ku  dhinteen kadib markii uu shil galay galay tareen siday in ka badan afar boqol oo qof oo rakaab ahi.