Maalinta Dhir Beerista Somaliland oo si Weyn looga xusay Dalkoo Dhan.

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa bilawday qaybinta Dhir gaadhaysa 150 kun oo geed maanta oo ay ku beegnayd maalinta Dhir-Beerista qaranka ee15-ka bishan April.

Dhirtaasi ayaa laga qaybiyay dhamaanba xarumaha Wasaaradda Deegaanka ee gobolada dalka ku yaala.

Maalinta dhir beerista qaranka Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu digreeto ku asteeyay sanadkii 2018-kii

Hal ku dhega sanadkan ayaa loo qaatay “Dhirtu waa Nolosheena ee aan Beerno”, taasoo looga dan leeyahay bulshadda lagu baraarujiyo sidii dhirta u beeran lahaayeen.

Xuskan maanta ayaa noqonaya kii afraad oo si xidhiidh ah ay wasaaradda deegaanka Somaliland u qabato tan iyo sanadkii 2018-kii.

Munaasibadii dhir qaybinta maanta ee xarunta Hargaysa waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka C/naasir Axmed Xirsi, agaasimaha waaxda dhirta ee wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.