Maleeshiyo-beeleedyo Dhiig Badan Ku Daadiyey Sool Oo La Kala Qaaday.

Sool(GNN):-Ciidammada Qaranka, ayaa la kala dhex dhigay Maleeshiyo-beeleedyo Khamiistii iyo Jimcihii ku dagaalamay deegaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xudun ee Gobolka Sool.

Ciidammada Qaranka oo uu hor socdo Badhasaabka Gobolka Sool, ayaa la wareegay Goobtii dagaalku ka dhacay ee Ceelka Dhabar-dalool, waxaana la kala qaaday Maleeshiyaadkii labada Beelood ee dagaalka xuni dhex maray.

Sidaana waxa sheegay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo Qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook, ayaa yidhi “Waxaan maanta (Shalay0 gaadhnay, degaanka Ceelka Dhabar-dalool ee degmada Xuddun ee Gobolka Sool, si loo xaqiijiyo, loona sugo nabad-gelyada. Cutubyo ka mid ah Ciidammada Qaranka ayaannu geynnay degaankan anagoo kala rarnay ciidammada beelaha walaalaha ah ee is hor fadhiyey.

Deegaankan ayaa ilaa hadda xasilloon, waana Rabbi mahaddii. Waxaan u mahad-cellinayaa Isimada uu hoggaaminayey Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo ay wehelinayeen Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Cuqaal, Culimo & qaybo kele oo bulshada ah oo nagala shaqeeyey kala qaadista & abuurista jawi nabadeed. Waxaan bogaadinaya sama-taliska & guurtida walaalaha colaaddu dhex-martay oo iya-na qayb weyn ka qaatay u hiillinta nabad-gelyada.

Ka maamul Gobol ahaan anagoo fullinayna go’aammada ka soo baxay Madaxweynaha waxaa naga go’an inaan si xooggan uga shaqayno dhallinta nabad-gelyo cago adag ku taagan. Maadaama colaaddan oo horrey loo dhammeeyey dib ay u soo aloosantay waxaa waajib nagu ah tallaabooyin ad-adag inaan qaadano.

Dowladdu ma aqbali karto in joogto colaadi uga dhex dhacdo beelaha gobolka, dhiig-na iska daato. Si darteed ajanddeyaal ka duwan sidii hore kana culus kama baaqsan karno inaan la nimaad-no.

Waxaan u mahad-cellinayaa ciidammada Qaranka oo mar kasta u taagan heeggan u ah difaaca dalka & kala bad-baadinta dadkooda. Waxaa xusid mudan doorka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu horrey uga gaystay nabadaynta beelahan xilligii gogoshii Adhi-Caddeeye. Xilliganna juhdi & kaalin ka sii weyn ayuu muujiyey, ka maamul ahaana kaalintaas oo aan dabakhno & da’daalkayga-ba waxaanu dul dhigaynaa soo afjaridda colaaddan Rabbina ha nagu garab galo.