Saxafi Aadan Cabdi Ciidle Oo Maalintii 2aad Ku Xidhan Xarunta Danbi Baadhista Ee Magaalada Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Saxafiga aadan Cabdi ciidle oo kamida bahda Warbaahinta raga ugu mudo karsan ayaa maalintii labaad ku xidhan xarunta dabi baadhista ee caasimada hargeisa somaliland, xadhiga Saxafiga ayaa ka danbeeyey kadib markii uu laba cisho ka hor ku baahiyey baraha bulshada muuqaal uu ku sheegayo in maalmihii ugu danbeeyey lagu dabo jiray islamarkaana uu dacweeyey gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland oo sida uu aadan cabdi ciidle uga sheegay baraha bulshada uu ku tuuray hadalo kaftan oo ahaa in gudoomiyaha baanka dhexe jamhuuriyada somaliland ka dhistay hotel weyn oo uu ku leeyahay magaalada hargeisa lacagta baanka jsl.

Saxafiga ayaa sida uu ka sheegay baraha bulshada hore looga eryey shaqadii telefishanka Horn Cable tv oo uu sheegay inuu ka eryey Gudoomiyaha Shirkada Telesom oo ka dacweeyey Mulkiilaha Tvga HCTV, halka wasaarada Beeraha Somaliland oo uu ka mushahar qaadan jiray uu sheegay inuu shaqada iyo mushaharkiiba ka joojiyey Wasiirka Wasaarada beeraha Somaliland oo ku eedeeyey inuu dhaliilo u jeediyo xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi cabdi,

Ciidamada Booliiska Somaliland oo Xabsiga Dhigay Wariye Aadan Cabdi Ciidle  – HargeisaPress

Talaabooyinkaa Kala duwan ee uu tirsanayey Saxafi Aadan Cabdi Ciidle ayaa waxaa ku xigtay xadhiga dhawaan ay kula kaceen ciidamada booliska somaliland oo uu dacwad u gudbiyey gudoomiyaha baanka dhexe jamhuuriyada somaliland.

Gudoomiyaha Baanka dhexe Jamhuuriyada Somaliland ayaa Hore sidan oo kale dacwad uga gudbiyey Shaqaalaha iyo Maamulkii Shabakada Hadhwanaagnews oo markii xabsiga loo taxaabay laba kamid shaqaalihii shabakada Hadhwanaagnews ay kusoo baxeen Damaanad sidaana ay dalka uga baxeen, waxaana talaabadii taa ku xigtay Maxkamada Gobolka Maroodijeex u xayirtay Gudoomiyaha Baanka dhexe Somaliland in guud Ahaanba aaney dalka ka Shaqeynin shabakada Hadhwanaagnews oo laga xidhay Shirkadaha Internetka.

Saxafi Aadan Cabdi Ciidle ayaa Kamid ahaa Wariyeyaasha Ku suntanaa sida weyna ula soo shaqeeyey Guushii xisbiga Kulmiye uu Madaxtinimada ku helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro Ilaa haddaa Wax war faahfaahin ah oo kasoo baxay hay’adaha dabi baadhista iyo Garsoorka ooo La Xidhiidha xadhiga Suxufi aadan Cabdi Ciidle iyo arrinta Lagu Eedaynayo.