Shirkadda Dhaweeye oo Shaacisay Tartan ay u qabanayso Darawallada ka shaqeeya magaalada Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Shirkadda DHAWEEYE ayaa shaacisay inay tartan lagu guulaysanayo baabuur Vitz ah u qabanayaan Darawallada gaadiidka dadweynaha ee ku shaqeeya adeegga Dhaweeye.

Tartankan oo ay u furan tahay inay ka qayb-qaataan dhammaan darawallada Adeegga Dhaweeye ku shaqeeya ee magaalada Hargeysa, ayaa soconaya muddo bil ah laga bilaabo 1-da bishan April illaa dhammaadka bisha, waxaana laga dhex xulan doonaa 20 Darawal ee ugu shaqada wanaagsan, kuwaas oo ku tartami doona isla markaana la dhex-dhigi doona Gaadhiga Vitz-ka ah.

Madaxa Suuq-geynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dhaweeye Farax Ayaanle Dayax Weerar, ayaa shaacisay shuruudaha looga baahan tahay darawallada ku shaqeeya adeegga Dhaweeya ee ka qayb-qaadanaya tartankan.

Shuruudaha loo baahan yahay Darawllada fursadda u heli doona inay ku guulaystaan baabuurka, ayay ku sheegtay:

  1. In Darawalku si joogto ah ugu shaqeeyo adeegga Dhaweeye laba bilaabo 1-da bisha April ilaa 30-ka bisha.
  2. In Darawlku ka mid noqdo ama ku soo baxo qiimeyn lagu soo xulan doono 20-ka Darawal ee ugu shaqada badan ama wanaagsan muddadaas 30-ka maalmood ah.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Macluumaad la xidhiidha tartanka loo qabanayo Darawallada ku shaqeeya Adeegga Dhaweeye.