Taliska Ciidamada Xeebaha Somaliland Oo Qalab iyo Dhismeyaal Casriya Loo Sameeyey Sannadihii Ugu Danbeeyey.

Berbera(GNN):-Taliyaha guud ee Ciidamada Xeebaha Somaliland ayaa kormeero kusoo maray goobaha saldhigyada ciidamada xeebaha somaliland oo labadii sano ee u danbeeyey xukuumada madaxweyne biixi ku bixisay malaayiin lacag ah, kuwaas oo kor loosoo qaaday awooda ciidanka xeebuhu hore u lahaayeen.

Waxaana Ciidanka lagu qalabeeyey Hub iyo Qalab casriya oo Xukuumadu dhaqaale ku bixisay,

Taliyaha Ciidamada Xeebaha somaliland ayaa maanta kormeero kala duwan kusoo maray sadhiga koowaad ee ciidamada xeebaha somaliland ku leeyihiin gobolka saaxil.

Halkaas oo ay kusoo bandhigeen qalab casriya oo ay xukuumadu ku dayactirtay guud ahaan qalabka ciidamadaasi.

Halkan Guji Si Aad U Daawato Muuqaalka Saldhiga Koowaad ee Ciidamada Xeebaha Somaliland.