Xisbiga Kulmiye Oo Is Waafajiyay Musharixiinta Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa Uga Sharaxan Ee Damaca Hanka Maayarnimo Lahaa!

Hargeisa(GNN):-Xisbiga kulmiye ayaa caawa Xaflad magaalada hargaysa Ugu qabtay musharixiintiisa golayaasha deegaanka ee Hargaysa ,Berbera Iyo Gabiley Taasi oo daarnayd sidii masuuliyiinta xisbigu ula dardaarmi lahaayeen musharixiinta uga tartamaya golayaasha deegaanka ee degmooyinka

 

Sidoo kale masuuliyiinta xisbiga kulmiye ayaa musharixiinta ku wargaliyay siyaasada xisbiga iyo qorshaha uu doonayo in uu ku guulayso kuraasida degmooyinka taasi oo ay saldhig utahay isku duubnan iyo in aan laga hor iman siyaasada xisbiga iyo cida uu u wato maayarka ee xisbiga matalaysa, si aan hirhadka xisbiga dhexdiisu aanu udhaawicin guul uu xisbigu gaadho,

Musharixiinta sedexdan degmo ee hogaanka kulmiye munaasibada uqabtay ayaa waxaa xisbiga markale usharaxan maayarada hada xilalka haya kuwaasi oo uu xisbigu uxushay in ay markale uyihiin hadii ay soo baxaan,

Dhanka kale shakhsiyaadka ka sharaxan golayaasha deegaanka ee degmooyinkan ayaa arimahaasi la faray iyadoo musharixiintii hanta maayarnimo lahaa ee hargaysa uga sharaxan  ay madasha dhexdeeda ku fuliyeen Awaamiirtii xisbiga iyagoo Qaarkamid ah shkakhsiyaadkii hanta maayarnimo lahaa ay madashada kazoo muuqdeen iyagoo dhinacyada haysta Maayarka Soltelco Oo sawiro laga soo qaaday  taasi oo muujinaysa siyaasada Xisbiga kulmiye iyo qorshaha uga yaala cida ku matalaysa maayarnimada marka ay soo baxaan xildhibaanada golaha deegaanka ee dalku.