Borama-Taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo Ismuujiyey Maalinta Koowaad ee Ololaha Xisbiga.

Borama(GNN):-Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal, ayaa isku muujiyey maalinta koowaad ee ololaha xisbiga doorashada isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada ee qabsoomi doonta 31ka bishan May.

Kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa saaka isugu soo baxay Khayriyada magaaladaasi, halkaasi oo ay kala qaybgaleen musharaxiinta xisbiga uga tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada ee Gobolkaasi iyo kuwa u ordaya Golaha degmada Boorama, kuwaas oo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska iyo Horumarinta Beeraha Md. Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Md. Axmed Muumin Seed, Guddoonka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal, Badhasaabka Gobolka Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), masuuliyiin kale iyo madaxdhaqameed fara badan