Dawladda Qatar oo ka Hadashay Kulan ay la Yeesheen Madaxweynaha Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Dawladda Qatar ayaa ka hadashay socdaal uu Toddobaadkan ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland ergayga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar u qaabilsan  ka hortagga Argagixisada iyo xal u helida Khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al Qahtani.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu qaabilsan ergayga ka socday Qatar oo ay ka wada hadleen arrimo labada dawladoodba dani ugu jirto.

Waxa kaloo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar intaas ku dartay intii kulankii socday weftigoodu ay kala hadleen Madaxweynaha Somaliland xidhiidhka labada dhinac.