Deegaanka Dhagaxle ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo laga xusay Munaasibadda 18-May.

Jiigjiga(GNN):-Deegaanka Dhagaxle ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo laga xusay Munaasibadda 18-May.

Bulshada nool deegaanka dhagaxley ee ka tirsan dhulka dawlad deegaanka soomaalida itoobiy ayaa siweyn isugu soo baxay dabaa deg ay ku xusayaan munaasibada maalinta qaran ee madax banaanida jamhuuriyada somaliland.

Somaliland ayaa noqonaysa in markii horeysay deegaano ka baxsan dhulka soomaalida ama wadamada la jaarka ah laga xuso, iyadoo inta lagu yaqaanay dadka qurbejooga ah ee jooga wadamada reer galbeedku ay inta badan siweyn u weynayn jireen xuska maalintan, balse waa sanadkii ugu horeeyey ee somaliland xuskeeda 18may lagu qabto deegaanada dhulka somaalidu degto ee itoobiya, iyo sidoo kale xusas kuwaa lamid ah oo iyaguna ka dhacay ilaa caawana ka socoda qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo marka caday oo ku taalada magaalada muqdisho iyadana ay ilaa caawa ka socodaan dabaal dega lagu waynaynayo maalinta qaran ee somaliland.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Dabaal Dega bulshada Ku Nool Dhagaxley.