Dhalinyaradii Qaangaadhay Intii Somaliland Xoriyada Lasoo Noqotay Oo Si Weyn u Xusay Sannadkan 18may.

Dhallinyaradani sida weyn  u xusay maalintan ayaa ah  kuwa ku qaangaadhay maalita madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka may, isla markaana wax ku bartay kuna kacaamay xornimada Qarankan curdinka ah ee 30-sano jirsaday.

Dhallinyaradan ku qaan gaadhay, ku kortay maalinta xornimada Somaliland ee 18-ka May, ayaa ah kuwa la kowsaday calanka ka kooban, saddexda midab ee sida is le’eg ee balaadhan u goglan, midabkiisa sare waa doogo amase cagaar dhexdiisana waxaa ku xardhan LEE ILLAAHA ILLA LAAH MAXAMADU RASUULULAAH, oo Af Carabiya midab cad, sidoo kale midabka dhexe waa cadaan, waxaanay yihiin da’yartani kuwa  aan arag calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isla markaana waa kuwa dhiigooda iyo dheecaankooda u huraya calanka tawxiidku uu ku xardhan yahay.

Haddaba Habeenimaddii xuska maalinta Qaran ee 18-ka ay sodon jirsatay sannada 2021-ka waxaa lagu waabariistay farax iyo idiidilo cusub guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Soddon guurada qaranimada Somaliland, taas oo ku beegnayd 18 May sannadkii 1991-kii, xilligii ay Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale isla markaana ay xornimadeedii dib ula soo noqotay.

Cagliga wanaagsani waxaa uu la socda jidhka caafimaadka qabba ciyaaruhuna waxaa ay jidhka u kordhiyaan sida dhirtuba ugu baxdo biyaha, dhallinyarada magaalada Hargeysi waxaa ay aad ugu wanaagsan yihiin ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiin, kuwaas oo habeenkii xalay ahaa wiilaal, haween, carruur iyo ciroole  aan loo kala hadhin u dabaal dega  sodon sano guuradii ka soo wareegtay 18-ka May oo xaafada iyo degmooyinka qaar ee gaar ahaan caasimada Hargeysa waagu ugu baryay weyneynta iyo damaashaadka maalintan Qaran ee sodon jirsatay.

Dhallinyarada reer Somaliland waxaa ay iftiinka iyo siraadkaba u sidaan maalintan sodon sano jirsatay iyo guud ahaan bulshaweynta reer Somaliland horumarka dalkana qayb weyn oo laxaad leh ayay ka qaataan.

Taariikhda bulshadu waxaa ay marag ka tahay in libinta ay la hoydaan dadka la cadaadiyo, kuwaas oo  markasta heegan u ah horumarinta Qaranimadooda iyo geedi socodka dimuquraadiyadeed ee dalkooda.

Geesta kale  habeenkii xalay ee 18-ka May ay sodon sano jirsatay, waxa dhallinyarada reer Somaliland, miyi iyo magaalo, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ay jidadka la marayeen calanka saddexda midab leh Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo qaarkood ay lugeynayeen, kuwa kale ay gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo calanku ka baba’nayo ay saarnaayeen, halka kuwa kalena ay barxadaha xaafadaha ku damaashaadayeen, taasina waxaa ay muujinaysa sida dhallinyaradu hadh iyo habeen ay heegaanka ugu yihiin ka qayb qaadashada ayaamaha faraxa leh ee dalkooda.

Dhanka kale axaa galabta garoonka kubada cagta ee magaalada Hargeysa, ka dhici doona koob lagu xusayo sannad guurada 30-aad ee 18-ka May, taas oo ay wada ciyaari doona dawlada hoose ee magaalada Hargeysa iyo dhigooda degmada Borama, iyada oo ciyaartani ay tahay mid muujinaysa sida dhallinyarada reer Somaliland ee kubada ciyaarta ay ugu horumareen xirfada iyo xeeladaha dhanka kubada cagta.

Si kastaba ha ahaate soddon guurada qaranimada Somaliland, ee ku beegnayd 18 May sannadkii 1991-kii, waxaa siyaabo kala duwan looga dabaal degay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka.