Dhallinyaro Mustaqbalkiinu Gacantiina Ayuu Ku Jiraa.W/Q:-Xuseen Cali Nuur.

Waa Illaahay mahaddii haddii maanta idinka oo xor ah, cadaadis, caga juglayn iyo xadhig sharci daro ah ka baqaynin inaad fursad naadir ah oo aan hore dalka u soo marin dhallinyaro aad maanta haysataan.

Mustaqbalkiina  iyo  horumarka  dalkuna  waxa  uu  ku  xidhan  yahay  sida  hadba  aad  uga faa’idaysaan. Sida fursadan aad ugu waajahdaan aragti fog oo ku salaysan horumarka dalka iyo mustaqbalkiina oo aad u lahaataan.

Dhallinyaro  waad  ka  nasiib  iyo  fursad  wanaagsantihiin  jiilashii  idinka  horeeyey;  isla  mar ahaantaana waad ka nasiib daran tihiin kuwii idinka horeeyey.

Maalinta  ugu  dambaysa  bisha  May  oo  ah  31keeda  waxa  dalka  ka  dhici  doona  doorasho lammaane ah, oo aan hore dalkan u soo marin. Taasina waxay fursad idin siinaysaa xulashada shaqsiyaadka dal iyo degaan u matali lahaa shanta sannadood ee soo socda.

Dhallinyaradii idinka horeysay waxaad kaga nasiib badan tihiin warbaahinta guud iyo baraha bulshada oo si balaadhan aad u adeegsan kartaan ama uga faa’idaysan kartaan idinka oo miyi ama magaalo degan.

Waad ka nasiib daran tihiin dhallinyaradii idinka horeysay oo aan lahayn qalab warbaahineed oo ay adeegsadaan. Hase ahaatee isla qalabkani waxa uu noqon karaa mid la idin adeegsado oo aayihiina dambe mugdi galiya.

Wuxuu noqon karaa mid cadowgiina iyo cadowga mustaqbalkiina iyo ka dalba ay u adeegsadaan si ay fadqalalo iyo degenaasho la’aan ugu abuuri lahaayeen dalka. Taasina waxyeelo u gaysata mustaqbalkiina.

Dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland,in kasta oo xilku saaran yahay; waxa xil gaar ah oo ah ka ugu wayn saaran yahay warbaahinta. Warbaahintaa oo maanta inta u adeegta ama adeegsata ay u badan yihiin da’ yarta maanta.

Sidoo  kale,  waxa  xil  wayn,  si  gaar  ah  uu  u  saaran  yahay  dhallinyarad  baraha  bulshada noocyadooda  kala  duwan  isticmaala,  kuwaasi  oo  loo  adeegsan  karo  dano  gaar  ah  oo  ka horimanaya mustaqbalka dalka iyo dhallinyarada.

Warbaahinta oo dhallinyarada suxufi ahaan u adeegsataa 95% ama in ka badaniba dhallinyaro yihiin  waxa laga sugayaa si mustaqbal wanaagsan guud ahaan loo helo in tallaabooyinkan ay maskaxda ku hayaan. Doorashadan foodda inagu soo haysa noocyada murashixiinta ka qayb galaya waxay u kala baxaan, qaar doonaya in dib loo doorto, qaar kale oo cusub oo xilal aan siyaasi ahayn hore u hayey ama aan soo qaban. Waxa kale oo ka mid ah qaar masraxa siyaasada ku jiray, kuwo ku cusub, iyo tiradii ugu badnayd oo murshixiin haween ah oo ka qayb galaya.

       Shacbiga  codaynaya  badankiisu  ma  yaqaan  murashixiintan  waxay  yihiin  iyo  waxay gudan karaan ama waxyaabaha ay hore u soo qabteen ama ay dayaceen.

     Xilka ugu wayni ee dhallinyarada warbaahinta guud ama baraha bulshada ka tirsan waxa shacbiga Somliland ka filayaan inay ahaadaan:

– Inay barayaal wanaagsan noqdaan oo kuwii xilalka siyaasiga hayey tobankii ama shan iyo tobankii sanno  ay noo sheegaan waxay qabteen oo aan xaqiiqda marnaba nalaga qarin.

Sidoo kale inay na baraan kuwa xilalka siyaasiga ah aan qaban oo hore xilal qaran ama kuwa sare soo qabtay wax qabadkoodii ay noo soo bandhigaan.

– Haweenka murashaxiinta ah oo aan sida ragga waayo aragnimo badan ku lahayn fagaarayaasha,  si  loo  barto  inay  fursad  u  siiyaan  in  aragtidooda,  fikirooda  iyo aqoontooda noo soo bandhigaan.

Dhallinyarada warbaahinta kala duwan ku jirta  waxa laga filayaa inay heegan noqdaan oo ay u difaacaan  unala  dagaalamaan,  kana  hortagaan  tabaha  kala  duwan  ee  warbaahinta  danaha Somaliland ka soo horjeeda adeegsan karto.

Dhallinyaro mustaqbalkiina iyo ka dalkuba maanta gacanta ayuu idinku jiraa dalkuna wuxuu u baahan yahay inaad u hiilisaan si mustaqbalku uu unoqdo mid loo aayo.

Maanta  Mindida  Daabkeedu  Gacantuu  Idiinku  Jiraa,  Mustaqbalkiinuna  Wuxuu  Ku  Xidhan Yahay Qaab Dhaqameedkiina Muddada Oloaha Iyo Nooca Murashixiinta Ee Aad U Codaysaan.

 

Wq: Xuseen Cali Nuur