Ethiopia iyo Shirkada Dp World Oo Kala Saxeexday Heshiis Isafgarad ah Oo Lagu Horumarinayo Jidka Berbera Corridor.

Addisabab(GNN):-Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo waddada Berbera Corridor.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka ee Itoobiya Dagmowit Moges iyo Agaasimaha guud ee shirkadda DP world Suldaan Axmed Biny Suleyman ayaa maanta Addis Ababa ku kala sexeexday heshiis cusub oo ujeedkiisu yahay horumarinta waddada Berbera Corridor ee dhinaca Itoobiya.
Shirkadda DP World ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay ku maalgashato kuna horumariso dekedda Berbera 442$ Milyan, iyadoo wajigii kowaad ee mashruucu dhamaad ku dhaw yahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee shirkadda Suldaan Axmed.
Heshiiskii ay hore wada galeen Somaliland Shirkada Dp World iyo Dawlada Itoobiya ayaa mid saddex geesood ah oo ay saddexda dhinac ugu kala heshiiyeen saamiyo kala duwan oo ay u kala badnaayeen.
Waxaana hirgalinta qorshaha dhismahan hadda la bilaabayo ee Jidka Berbera Corridor uu kamid ahaa qodobada ay hore ugu heshiiyeen ee heshiiskii shirkada Dp world kula wareegtay Dekeda Caalamiga ah Berbera.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka.