Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran Somaliland oo la kulmay Wefdi ka socday Dalalka Beesha Caalamka

Hargeisa(GNN):-Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran Kulmiye UCID iyo Waddani ayaa la kulmay Wefdi ka socday dalalka Beesha Caalamka oo dalka u yimid arrimaha doorashooyinka isku sidkan.

Wefdiga ka socday saaxiibada Somaliland ayaa ay kala yihiin Wufuud ka socota 9 dawladood iyo 9 Danjire kuwaas oo ay wehelinayaan Diblomaasiyiin sarsare si ay ugu kuurgalaan arrimaha doorashooyinka JSL ee qabsoomaya 31-ka May.

Xisbiyada iyo Beesha Caalamka ayaa iska xog wareystay habsami u socodka hawlaha doorashooyinka isku sidkan, waxaana ay weftiga Beesha Caalamku tilmaameen in ay u socdaan dhiirri-gelinta Xisbiyada, is-barbar istaagga dimuqraaddiyadda Somaliland iyo la socodka sida ay u socdaan u diyaar-garowga doorashada iyo waliba sida ay u qabsoomayaan.

Dalalka Beesha Caalamka iyo Xisbiyada ayaa si weyn uga soo wada shaqeeyay sidii ay doorashadu u suurto geli lahayd, isla markaana dedaal weyn geliyay in ay Somaliland ka qabsoonto doorasho la isla wada ogol yahay oo isku sidkan.

Madaxda kulanka uga qayb gashay Xisbiga WADDANI ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha KMG Xil Cabdilqaadir Jirde iyo Xoghayaha Gaarka ah Mudane Cabdulqaadir Iidle.